Abdishakur Qodax
12 min readJan 14, 2023

1969: BUUG LAGU AFGOBAADSADEY

Buugga uu qorey Dr Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon oo ah xeeldheere iyo baresare oo afka, sooyaalka iyo dhaqanka Soomaaliga ah, wuxuu ka sheekaynaya dhacdooyin taariikheed oo qaarkood qoraagu goobjoog u ahaa. Wuxuu soo tabinayaa xaqiiqooyin daahsoonaa, waxaase ka badan dhacdooyinka “cidwalba garatayda” ah ee ku xusan buugga.

Ugu horreyn, sida aynu buugga ku arkeyno qaybta qoraagu leeyahay ee la yiraahdo “erayga qoraaga” oo duluc ahaan xambaarsan in cidda buugga qortey ay si kooban oo kor ka xaadis ah u sheegto ujeedka ama dulucda buugga, wuxuu Ditoor Abtidoon kaga warramaya; In nuxurka buugguba ka soo bilaabanayo lixdamaadkii, kadibna, tartiib ah sidii tusbixii loo taxayo kuusha taariikheed. Buuggu waxa uu ka hadlayaa arrimo badan oo siyaasad, dhaqaale iyo dhacdooyin kale oo taariikheed leh, oo tan ugu weyn tahay intii ay dalka ka talinaysay dawladdii talada dadka boobtey ee askartu hoggaanka u haysay. Dr Abtidoon wuxuu ku dedaalayaa intii karaankiis ah in uu buuggaan ku iftiimiyo wixii uu xog helay ama hayay.

Sawirka Buugga Dr Abtidoon.

Inta aynu rogayno xaanshiyaha 190ka ah, ee aynu marba kan kale uga gudbayno cutubyada toddoba iyo labaatanka ah, waxa aynu arkaynaa in buugga loo hagarbaxay, oo Maxamed Cartan iyo kooxdiisa Looxpress ay daabacaad ahaan hagaajiyeen, qurxiyeen, kana qaybqaateen in aan akhristuhu ku caajisin, taa badalkeedna akhrisku ugu fududaado. Waxaan kale oo arkeynaa in Diktoorka ay hawl badan ka gashay buugga, taas oo ka markhaati kacaysa weedha uu qoraa, taariikhyahan iyo abukaate Trunji ku sheegayo hordhaca buugga ee ah; diyaarinta buugga waxay socotey muddo badan, ugu danbeynna 2020 ayey soo gabagabowday!

Diktoor Abtidoon, wuxuu bilowgaba sawir ka bixinayaa sidii ay ahayd dawladnimaddii Lixdankii la helay iyo sidii dawladnimada Soomaalidii gumaystahu aayar u siiyey xorriyaddii uu kibirka uga qaaday ay ula falgaleen. Wuxuu cutubka koowaad kaga warramaya booqashadii RW Sharmaake ku tagay Maraykanka, iyo sidii MD Kenaddy u maamuusay dawladdii Soomaaliyeed ee curdanka ahay. Waxaynu malayn karnaa in dawlad sida teenna u taagdaran, markaas uunna heshay xornimaddii ay awalba xaqqa u lahayd, ay casuumaad sharafeed ka hesho dalalka ugu quwadda sarreeya caalamka, lana maamuusey raggii ugu sarreeyey dalka-sida RW Sharmaake, in danaha ugu weyn ee laga lahaa noqon karo sasabasho siyaasadeed iyo in loo carbinayo in Soomaaliya noqoto meel aan shuuciyadda calankeedu ka baban, lana aqbalo wax walba oo codsi ah ee ay soo gudbiyaan, waana sababta keentay in John F Kennady aqbalo codsiga Sharmaake, oo badankiisu u badnaa taageeridda iyo taakulaynta dawladdan ku cusub saaxadda siyaasadda cusub, isaga oo ka kaalmeeyey horumarinta arrimaha bulshada, laakiin ka biyadiidey arrimaha ciidanka iyo taageero millateri.

Dhacdooyinka ku xusan buugga iyo Aragtida qoraaga!

Toddoba iyo labaatanka cutub ee buuggu leeyahay, marka laga reebo laba cutub-Kulanka qoraaga iyo Danjire Saxnuuni iyo kan ugu danbeeya oo uu kaga hadlayo qayb ka mid ah nolosha dad siyaasadda soo marey, oo aan wax micno ah u lahayn nuxurka buugga- waxa uu kaga hadlaya dhacdooyin taariikheed oo kuwooda ugu waaweyn laga xusi karo: Doorooshooyinkii Lixdankii, Dhimashadii Sharmaake iyo sidii loo xukumay, Dhalashadii Kacaanka iyo wixii uu qabtey, toogashadii Askartii ee 1972, Dagaalkii 77 iyo guuldarradii laga dhaxlay, Iskudaygii afgambiga ee 09 Abriil iyo qaar kale, sida isbadalladii dhacay muddaddii Kacaanku meesha ka doobyayey, iyo su’aasha ugu culus ee ah; yaa mushkiladda mas’uul ka ah?

Haddaba, waxa aan isla eegidoonna sida uu qoraagu uga hadlay, xaggashii uu ka istaagay iyo wixii isaga fikirkiisa ah ee uu qorey. Qodobadda sida ay yihiin, ama aan ugu arko muhiimadda sida ay u kala lahaayeen ayaan u kala horreysiinayaa:

1: Aynu ku horreyno dawladihii lixdamaadkii. Wuxu qoraagu si qurux badan u sheegayaa, nidaamkii dimquraaddi ee dalka ka jirey oo gaarey in qofku aashii hadlo oo wax walba oo ay la tahay ku dhawaaqo. Qoraagu wuxuu tibaaxayaa in fashilkii ugu weynaa ee dawladihii lixdanaadkii qabsadey in ay ahayd is waafajinta labadii sharci ee labadii dal ee xoroobey ku dhaqmayeen; oo mid walba wuxuu iskii u sitey dastuur uu kaga tagay gumaystuhu. Waxa uu sidoo kale qirayaa in ay dawladahaasi ku guuleysteen- isaga oo ku raacaya raggii caddaanka ahaa dawladnimadeena qiimeeyey, in dawladahaasi ahaayeen kuwa kala saarey awoodihii dawladdu lahayd; garsoorka, fulinta iyo sharcidajinta. Bixintii dhulwaynaha NFD boqortooyaddii Britain ugu gacangalisey Kenya, waxa uu u warinayaa si u eg dhexdhaxaadnimo, mana arkeyno in qoraagu qof Soomaali ah yahay oo dadkiisa la dareen ah. Waxaa xusid mudan in uu iyana u tabinayo heshiiskii siyaasaddii Cigaal la yimid markii la magacaabey ay dadka Soomaalidu ahaayeen dad ka carooday. Ma arkeyno halkanna mawqifkiisa ku aaddan go’aankaas! Dawladahii sagaalka sano ee rayidka dalka xukumayey waxa la wada qirsan yahay, qoraaguna ka marag kacayaa in ay horumarro fiican sameeyeen. laakiin qoraagu eeddoodii ahayd in ay ahaayeen qolo musuq iyo wax-isdabamarin ku caan baxay, wuxuu u saarinayaa in kacaanku u bixiyey, dad badanna la qabaan, wuxuu haddana sheegaya in dalka musuqiisu xargaha goostey! Waa qodob u dhigma warin, laakiin aynaan mawqifka qoraaga ka arkeyn, lagana dhex akhrisaneyn. Waxa ay ahayd qoraagu in uu marwalba u qoro buugga si ka faalood ah, oo taariikhda uusan sida wariye Soona u shaqeeya uga warramin!

2: Doorashooyinkii dhacay lixdamaadkii ee sida dawladihii meesha ka jirey musuqa ahaa, diktoorku wuxuu uga sheekaynayaa si fiican. Waxa aynu helaynaa xogo fiican sida nidaamkii doorasho ee la badalay ee dadka u wada oggolaanayey qofkii 18 sano ka weyn in uu codeyn karo. Waxa aynu helaynaa sidii loo kala helay kuraastii doorashada ee meesha taallay, iyo halka ay la tageen dadkii helay; wuxuu qoraagu xusayaa in marwalba oo ay soo dhawaato soo bixi jireen xisbiyo aynu oran karno “kula daarasho” ayay u abuurmi jireen, oo qaarkood wateen magaca qabiilka, marka ay helaan codna ku biiri jirey xisbiyadii waaweynaa. Waxa aan helaynaa xogo xiise leh, sida in Xaawa Yarey oo ka sharraxnayd Ceelbuur noqotey haweeenaydii koowaad ee albaabka u furta saaxad ay haweenku ka gali karaan siyaasadda, weliba iyaga oo xasaanad leh. Waxa aynu helaynaa dad labaataneeyo ah in la diley intii doorashadu socotey, sida Side oo ka sharraxnaa Ceelbuur, dabcanna Xaawa Yarey la tartamayey. Waxa aynu helaynaa xogo badan oo ku saabsan arrinta doorashada, laakiin wax walba oo ku sugan bogaga ee uu kaga hadlayo doorashada koowaad iyo tan labaad waxa ay u egyihiin in qoraagu beeninayo erayga hordhaca ah ee Trunji ku sheegayo In buugga “wakhti badan galay!” Waxa aynu arkaynaa in qoraagu isaga oo u muuqda in uu orod qoraal ku tartamayo u boobsiiyey doorashadaas, wixii ay dhashay iyo sidii ay u wada dhaceen. Waxaan arkeynaa in diktoorku u qorey qaab iyana warin ah oo badi u badan dul kaxaadis, waayo, 27 cutub in 190 bog lagu koobo, oo laba ka mid ahi yihiin mawduuca buugga wax aan quseyn, waxay caddeynaysaa sida xogta buuggu aysan si waafi ah u sharxayn cutubyada.

3: Mar haddii doorashooyinkii musuqa ahaa dhaceen, waxaa xigay toogashadii Siciid Oorfane ku diley madaxweyne Sharmaake magaalada Laascaanood. Haddaba, bal aynu eegno haddii qoraagu ka jawaabayo; su’aasha ah yaa diley, oo micno ahaan ka dhigan, maskaxdii dishay MD Sharmaake? Dhammaanteen waa aynu garan karnaa qof diley ee loo soo qabtey oo waa Siciid Oorfane, laakiin ku magacownaa, jeebkama ku sitey aqoonsiga ah Cabdulqaadir Cabdi Maxamed tirsiga aqoonsigiisuna ahaa 472, laakiin su’aasha xiisaha leh ayaa ah maskaxda ka danbeysay.

Maxamed Ciise Trunji, oo ka mid aha karaaniyaashii qori jirey dacwadaha Maxamadii Badbaadada wareysi uu siiyey Hanoolaato wuxuu ku sheegaya in Siciid Oorfane ka horqirtay maxkamadda sababtii uu u diley madaxweynaha in ay ahayd badbaado uu badbaadinayey dalka, halka qoraagu sheegayo in dawladdii Kacaanku soo saartey war ay ku sheegayso in aano qabiil uu Oorfane u diley madaxwaynaha, halka Trunji oo buugga-sida qoraagu sheegayo xog ku biiriyey- leeyahay arrin taa khilaafsan, oo hadalkaas uu isagu kacaanka u saariyey waxa uu Trunji ku sheegaya war suuqi Soomaalidu isla dhexmaraysay!

Sida la wada qirsan yahay eedaha ugu badan ee dilka Sharmaake waxaa dusha loo saariyaa dawladdii Askarta, iyada oo loo cuskanayo in 6 bari ka dib ay dalka xoog ku qabsadeen, oo caqliga fiyow wuxuu qirayaa in aan lix bari lagu dhisi karin qorshe 21 sannadood lagu haystey dalka. Waxa kale oo loo cuskadaa sidii ay u maamushay kiiskaas, oo ay degdeg u fulisay xukunkaas dilka ah, laakiin qoraagu wuxuu eeddaa ka duwayaa Kacaankii, isaga oo ku sheegay malo, kuna andacoonaya in ay Sharmaake oo nool samayn kareen inqilaabka!

Waxa uu inoo sheegaya qoraagu in lagu kala aragti duwan yahay maskaxdii dishay MD Sharmaake, laakiin innaga oo dooneyna maskaxdii dishay in aan aragtida qoraaga ku helno, oo ku biirsanno xogaha kale ee laga qorey, waynu ku hunboobeynaa middaa. Waxa uu si cad noo leeyahay; ruux walboow, sida ay kula noqoto u qaado! Waxaas oo aan naga qaban in qof aqoon caynkaas ah lagu tuhmayo, sidaa caaamada ah u hadlo!

4: Dr Abtidoon, cutubka ugu weyn ee buugga ku jira, malahaygana ugu nuxurka roon waa “Afgambigii Askarta” Oo ah kan ugu xaanshiyaha iyo xogta badan. Bilowga waxa uu ka sheekaynayaa in sidii ay ahayd xaalada dalku iyo wixii u sahlay in ciidanku qabsado dalka. Dr Abtidoon waxa uu xusayaa in kacaanku qaatey nidaamkii shuuciyadda ahaa, laakiin, kuma dhiirranayo in uu markiisa-sida aqoonyahannada kale- tilmaamo in kacaanku ku awrkacsadey arrintaa, hantiwaddaga ay qaateenna ahayn mid cilmi ku dhisan!

Taas ka kaalay, qodobka aan uga socdaa waa dilkii askartii Afgambiga wax ka waday ee la toogtay, sida Generaal Gabayre, Caynaanshe iyo G/Dh Dheel. Maxamed Ciise Trunjo oo ka mid ah dadkii goobjoogga u ahaa dacwadda kiiskaan, wuxuu sheegay in aan maxkamadda la hor keenin wax cad oo loo cuskanayo dilkooda, laakiin tuhunkii iyo wixii maskaxda Gabayre ku soo dhacay loo diley! Laakiin, qoraagu wuxuu sheegaya in dilkooda loo cuskadey in lagu helay faldanbiyeed ah iskuday afganbi, Isaga oo qoraagu xiganayaa khudbad uu Siyaad Barre jeediyey muddo ka dib toogashadii Salaad.

Wuxuu qoraagu sheegayaa in dad uu toos ula hadlay Gabayre la hor keenay maxkamaddii “Badbaadada” ee askartii meesha keentay, laakiin ma xusayo dadka, halka Trunji xusayo in Shadoor iyo Cadde Muuse ka mid ahaayeen raggaas. Abukaate Trunji, waxa uu tilmaamayaa in askartii la diley markii hore laga qaaday darajooyinkii, lagana saaray xubunnimadii Kacaanka. Guddigii markii hore ka qaadayna ay ka mid ahaayeen isla saddexdii nin ee dilka ku xukumay askarta oo kala ahaa; Cabdulqaadir X. Masalle, nin uu ku gaabiyey magiciisa Bashiir iyo Maxamuud Geelle Yuusuf. Wuxuu ku doodayaa in haddii abukaatayaashii u doodayey dhanka janaraaladda, in aysan raggaasi qaadeen kiiskaa. Qoraagu ma xusayo in raggaan markii hore laga qaaday darajoooyinka, xubinnimadiina laga qaaday, markii danbena hantidii lagala wareegay qoysaskii ay ka tageen!

5; Dhacdooyinka muhiimka ah ee qoraagu ku xusay, lana fileyey in uu sheego waxa ka mid ah Xeerkii Qoyska. Waxaan sugaynaa in aan helno markan xog badan oo ku saabsan xeerka, hase yeeshee xerkan oo saameyn weyn ku leh taariikhda kacaanka, ayuu si kor-ka-xaadis ah u sheegayaa. Markan, qoraagu ma xusayo dhab ahaan waxa uu ahaa xeerka qoyska ee ay ka shaqeeyeen guddi uu ugu magac dheeryahay Dr Maxamed Aadan Sheekh. Diktoorku ma xusayo sida uu bilowgii ahaa xeerka ay ansixintiisu dhimanneyd, waxa kale, oo uusan xuseyn, cidda diidey xeerkaas bilowgaba waafaqayey diinta ee guddigaas Dr M. A. Sheekh ku jiro in ay ahaayeen Kacaanka. Cabdishakuur Mire oo qorey buugga Kobicii Islaamiyibta, wuxuu buuggiisa ku xusayaa isaga oo xiganaya Dr Baadiyoow, in guddiga la magacaabay, si ay u sameeyaan xeerka ay ka koobnaayeen toddobo xubnood; Gudoomiyihii Maxkamada Sare, Mukhtaar Sh. Cismaan, Dr Maxamed Aadan Sheekh oo isagu markaa ahaa wasiirkii caafimaadka, wasiirkii Caddaaladda Dr Cabdisalaan Sh. Xuseen iyo afar gabdhood.

Haddaba, maadaama aan akhrinayno Dr Abdidoon, ma helayno xog dhaafsiisan intaas aan sheegay, yacni ma faahfaahinayo, nagumana filna in qof xogtaas oo dhan heli karaa in uu sidan gaaban xeerkan ku qoro. Xittaa Dr-ku ma xusayo xeerka, si la mid sida uu u keenayo warqadihii labada ahaa ee Kacaanka!

6: Dagaalkii Ogaadeeniya, waa mid ka mid ah cutubyada uu qoraagu sida wacan kaga sheekaynayo. Wuxuu markan xog fiican ka bixinayaa, si qurux badanna u faahfaahinayaa wixii dawladdii Kacaanku samaysay iyo sidii ay garabkeeda uga baxeen dawladihiii Shuuciyaddu. Waxa aan ka helaynaa xog badan oo anfac leh. Hadana, marwalba qoraaga aragtidiisa kama dhex helayno, kamana akhrisaneyno, sida aan u helayno Maryan Cariif xigashada uu qoraagu xiganayo ee aragtideeda shakhsiga ah ku saleysan.

7: Waxyaabaha cajiibka ah ee qoraagu buugga kaga sheekaynayo waxaa ka mid ah cutub uu ugu magac daray “Tabashooyinkii Goballada Waqooyi.” Marmar aan badneyn ayaan arkaynaa aragtida qoraaga oo xiiso leh. Dr-ku waxa uu tibaaxayaa in “iskubiiriddii labadii xoroobey” ay ahayd wax ku dhisan laablakac. Waxaa hadalkiisa u marag furaya sidii loo maamulay wixii laysku darsaday, oo kafadda dalku dhinicii reer Waqooyiga uga ciirtay, dhinicii reer Koonfurkana ugu janjeersatey. Wuxuu ku doodayaa, in sababta keentay in xilalkii ugu awoodda badnaa iyo hawlihii oo dhan ay reer Koonfurku qaataan, in ay sababtay in dadkaasi ahaayeen xisbiga SYL, oo markii Cigaal noqdayba uu ka mid ahaa xisbigaas! Haddaba, haddii Cigaal ku noqday tabtaas RW, darajooyinka ciidankuna ma waxa ay ahaayeen SYL?

Wuxuu leeyahay: “gobaladdii Waqooyi waxa ay inta badan tirsanayeen in koonfuri afduubatey maamulkii dalka oo aan loo eegin laba dawladood oo isku tagay, waxna wadaagay. Waxay dadka reer Waqooyiga inta badan oo reer ku doodaan, in magaala-madaxdii, xilalkii madaxweynaha iyo raysalwasaaraha, taliyaashii ciidanka xoogga iyo booliiska oo awooddii dhan ay ku uruurtay Muqdisho oo keli ah.” Waxaan is waydiineynaa, qoraagu muxuu kala jeeda waxaan? Maxaa u diiday in uu mawqifkiisa abbaaro, maadaama wuxu ay taariikh yihiinna kaalinta kaga aadan ka sheego, sida kan midnimada!

8: Waxyaabaha uu qoraagu ka hadlay waxaa ka mid ah shil uu galay Jaalle Siyaad sannadkii 1986-dii. Waxa uu markan, ka sheekaynayaa sida ay dawladdu ugu baryootantay daweynta qofkii 17 sano dalka ka doobyayey! Ma xusayo, mana garanayo sababta qoraagu u qariyey fashilkii dawladda ee gaarsiiyey in qofkii ugu sarreeyey dalka dawayntiisa loo baryootamo! Waxa uu xusayaa isaga oo xiganaya taariikhyahanka Talyaaniga ah ee Angelo Del Boca in intii madaxwaynuhu qalliinka ku maqnaa qoyskiisa ay ka dhex abuurantay is faham waa la xiriira ciddii qaban lahayd booskaas haddii uu dalka banneeyo, sidii uu yahay xilkaas la boobay kursi boqortooyo! Waxa uu si fiican u qeexayaa in dhacdadan ka dib go’aamada dawladda qoyska madaxtooyadu gaari jireen, laakiin marnaba ma arkayno go’aankiisa ku aaddan dhankaan.

9: Waxyaabaha ugu wayn ee lagu xusay buugga waxaa ka mid ahaa labo isku day oo digtoorku kaga hadlayey in dalka lagu badbaadiyo. Kan koowaad, waa iskudaygii ay hor kacayeen aqoonyahanaddii dalka joogay ee bilihii ugu danbeeyey 1981 dhacay. Waxay ku shiri jireen, oo ku kulmi jireen guriga wasiiru-dawlihii madaxtooyada Maxamed S. Samatar oo “Gacaliye” loo yaqaannay. Waxaa laga xusi karaa raggaas G.bangiga dhexe, Maxamuud Jaamac, Wasiirkii Warshadaha Cali Khaliif Galaydh, Wasiir-ku-xigeenkii qorsheynta Maxamed Cumar Jaamac, Warsame Juguf, Maxamed Warsame Jaango’an, Axmed Ashkir Bootaan iyo Dr Maxamed A. Sheekh. Ujeedkooda ugu wayn wuxuu ahaa in kacdoonkii Waqooyiga la dajiyo, madaxwaynuhuna talada ku wareejiyo Siilaanyo, oo dhaqaalaha ka soo bartay Ingiriiska, si laamahaha dawladdu u kala madaxbannaadaan. Waxay qabeen arrintaasi in xaalka ay qaboojin karto. Laakiin, sidii caadada ahayd Ina Siyaad gaashaanka ayuu u daruuray arrinkaas. Qoraagu isaga oo aadcegsanaya xeeladiisii, wuxuu leeyahay; “wuxuu is bedelkaasi keeni lahaaba, Siyaad iyo raggiisi way ka soo hor jeesteen!” Maxay kula tahay adiga diktoore go’aankaas? Maxay tahay aragtidaada ku aadan in Siyaad iyo raggiisii diideen? Sidee go’aankaas isbedelku kuula muuqday?

Iskudayga kale waa kii odayadii Maanafeesto ee horraantii sagaashanka soo shaac baxay. Waa baaqii ugu danbeeyey ee dalka lagu badbaadin lahaa. Wuxuu dikroorku u bixiyey cutubkan “Fursaddii Ugu Danbeysay” waxa uuna kaga faalloonaya sidii ay xaaladdu ahayd, isaga oo ka sheekaynaya sida ay dhacdadu ahayd, laakiin marnaba kama leexanayo dhabihiisii “kor-ka-xaaadis ka” ee uu u warinayey dhacdooyinka. Wuxuu diktoorku noo sheegayaa in Dr Baadiyoow, ku sheegayo buuggiisa Making Sense of Somali History V2 in astaamo wadaniyad iyo diin jacayl ahi ay ka muuqdeen raggaas, isaga oo sabab uga dhigay; tiradooda oo 114 ahayd, lana dhigmaysa cadadka suuradaha quraanka iyo in guddigu ay ahaayeen oo 13 ahaa, lana mid ah dhalinyadadii SYL. Laakiin innaga taasi muhiimad gooni ah nooma lahan, kaliya waxa aynu rabnaa in aynu ogaanno cidda go’aankaas eedeeda lahayd in ay Siyaad iyo raggiisa ahaayeen, marwalbana fursaddaas dahabiga ah ay khasaariyeen.

10: Cutubka ugu danbeeya cutubyada loo qorey buugga-oo kan ugu danbeeya ee “Qaar Ka Mid Ah Hoggaankii Dalka” ma ahan mid quseeya mawduucii buugga- laakiin kan aan ka hadleyno hadda ee ah “Yaa Ka Masuul ah?” waa kan ugu danbeeya waxyaabaha nuxurka ah ee buuggu leeyahay. Wuxuu qoraagu, halkii ay ahayd in aan helno jawaabo, inaggii na waydiinayaa su’aalo! Wuxuu xiganayaa oo tilmaamayaa in rag badan oo aqoonyahanno ah, sida Dr Baadiyoow ay eedda saarayaan hogaankii siyaasadda-oo dabcan askartii iyo kuwii ka horreeyey ah. Markan, waxa uu qoraagu si toos ah u sheegayaa in uusan ka jawaabeyn su’aashaas hore ee cutubka! Wuxuu si cad inoo leeyahay: “Ujeedadaydu ma ahan in aan sheego meesha ay wax iska qaban la’yihiin, balse waxaan doonayaa kaliya in aan ku martiqaado inta aqoonta iyo kartida u leh in ay baadigoobaan jawaabta ama jawaabaha” waxaynu is waydiineynaa, Dr Abtidoon, aqoonyahanka uu martiqaadayo ee kartida u leh jawaabtan, isagu miyuusan ku jirin, mise hagrasho ayaa jirta iyo xaalmastuur taariikheed? Bal adba!

Ugu danbeyn, buuggan waa buug taariikh ahaan si qurux badan loo tidcay, faca korayana kayd taariikheed u noqon doona, duruus badanna ay ka baran doonaan, una noqon doona madkhal taariikheed, laakiin, eeddiisa ugu weyn ee buuggaan waa in qoraaga aan laga dhadhansaneyn go’aamaddiisa, taariikhduna u qoran tahay si wariye oo kale ah.

Abdishakur Qodax
Abdishakur Qodax

Written by Abdishakur Qodax

A young man expressing his own thoughts, analyzing the ideas of others, and being himself, writing in both English and Somali to survive the challenges of life.

No responses yet